Saturday, October 31, 2009

ROOBAB LAGU DIIRSADEY: oo ka da'ay G/Gedo iyo guud ahaan Koonfurta Dalka, Tollow waqtiga soo socda ma loo sii diyaar garoobi doonaa ?

BAAR-DHEERE G/GEDO SOOMAALIYA:Waxaa guud Dalka ka curtay/da'ay roobabkii Deyrta oo markaan si wanaagsan u biyo dhigay. Gaar ahaan waxaa Gobolka Gedo la sheegayaa inuu roobku ka da'ay dhamaan Gobolka oo dhan Koonfurta ilaa Waqooyiga meel kasta.Waa Illaahay mahadiis mar haddii abaarihii soo jiitamey labadii sanno ee u dambeeyay laga baxay "Allaah ayaa Mahad badan. Gallad Eebe waaye". Allah roobka kheyrkiisa ha u siyaadiyo, dhibaatadiisana ha ka badbaadiyo.

Roobabkan meelaha qaar waxay uga da'een si saa'id ah, waxaa ka mid ah Magaalada Ceel-Waaq Gobolka Gedo oo dhamaan Magaaladii ay biyo fariisteen markii roobku socday mudo 7 saac oo xariir ah.
Dhanka kale Gobolka Gedo wuxuu soo marey laba sanno oo abaar ah, waxay roob la'aantu dhibaatooyin badan ku reebtay Xoolo-dhaqatadda iyo Beeraleyda Gobolka, waxaa dhintay Xoollo badan (Lo'da) oon iyo baad la'aan markii ay isugu darmeen. Inkastoo ay wali dadku dhibaatadii la liicayaan haddana waxaa haboon inay diyaar u ahaadaan Abaaro mustaqbalka dhici kara ! Xilliga marka uu wanaagsan yahay haddii aad wax meel dhigan waydo waad soo dhaceysaa marka ay abaari dhacdo! Dadka Gobolka Gedo guud ahaantiis waxaa haboon inay sare u qaadaan Wax-soosaarka Beeraha madaama uu Gobolka leeyahay laba Wabi oo sannadka oo dhan wax lagu beeri karo.

Jameco

No comments: