Saturday, October 31, 2009

HABKA LOOGA KALUUMEYSTO WABIGA: Jubba iyo Shabeele oo aan laga faa'iideysan!

Ma kula tahay haddii sidan oo kale Jubba iyo Shabeele looga kaluumeysan lahaa in WFP cunno laga yaboohsan lahaa ? Ma ogtahay in WFP Aduunka oo dhan ku baahisay inay quudiso in ka badan 3.5 milyan oo Soomaali ah !. Gargaarka Bani-Aadamku waa isku leeyahay laakiin in Ummad dhan oo dhulkoodu qayraadkiisa ku filan yahay in ay ku tiirsan yihiin Cunno WFP ay u qaybiso wax badan ayaa ka qaldan.
Gaar ahaan waxaa qaladka ugu badan leh, Dadka Soomaaliyeed ee dayacey dhulkooda isla markaana diidan inay xitaa Naftooda iyo Qoyskooda quudiyaan kana doortay Gargaarka/yabooha Dad shisheeye ah. Waxaa fiican inay Dadka Soomaaliyeed Dhulkooda iyo Alle aaminaan una soo jeestaan ka faa'iideysiga nimcooyinka Alle siiyay, Haddii ay tahay Badda, Wabiyadda iyo Dhulkaba, Waana inay howlkar noqdaan si ay sharaftoodii ula soo laabtaan.

No comments: