
Hadaba, maalmahii tagey guud ahaan Gobolka Gedo waxaa ka socday howlo lagu nadiifinayo hareeraha wadooyinka sida sharciga darada ah looga dhistay Sandaqadaha/ganacsiga iyo guryo kaleba. hawshan ayaa sidii loogu tal lo galey ilaa hadda ku socota.
Maamulka Islaamiga ah ee Al-shabaab oo lagu yaqaan inay hirgaliyaan amaradooda ayaa sheegay cidii diida inay qasab uga rari doonaan, waxayna diyaariyeen Makiinadihii lagu xaaqi lahaa cidii amarka qaadan wayda.
XAQIIQ WAXAA AH haddii ay si wanaagsan ku dhamaato arintaan inay noqoneyso tilaabo horumar leh, oo aan hore loo arag. Waxaa sidoo kale hubaal ah in Magaalooyinka laga hirgalinaayo barnaamijkan ay wax wayn xagga bilicda iyo nadaafaduba iska bedeli doonaan. Dhanka kale waxaa la filayaa in Goobo muhiin ah oo awal dad waxma garato ahi ay ku habsadeen dib ugu soo noqon doonaan gacanta dadweynaha loogana faa'iideysan doono arimaha adeega bulshadda Gobolka gaar ahaan Iskuuladda iyo Goobaha caafimaadka.
Jameeco WAA Runsheeg
No comments:
Post a Comment