Thursday, October 29, 2009

MASHRUUCA MUURI: Baardheere oo u baahan Maal-galin

BAAR-DHEERE SOOMAALIYA: MASHRUUCA BARIISKA ee Muuri wuxuu ka mid ahaa Mashaariicda wax ku oolka ah ee laga hirgaliyay Gobolka Gedo, Mashruuca isagoo markaas la furey laakiin aan si toos ah u shaqeyn ayey burburtay Xukuumadii dhexe ee Dalka. Mashruuca wuxuu ka koobnaa 1) Matoor Wayn, oo loo dhisay wabiga qarkiisa, MATOORKA waqti yar kadib burburkaba waa la qaatey, wax macluumaad ah oo ku saabsan nooca uu ahaa iyo Awooda uu laha midna ma hayno. Qaybta labaad waa Kanaal Wayn oo ilaa ka yimaado Wabiga Jubba kadibna Beerta taga, waxaa kaloo jiray Kanaalo yar yar oo Beerta dhexdeeda ku yaalay. Qaybta Sadexaad waa Beerta oo 25% si wanaagsan loo diyaariyay dhinac kasta, iyo 75&% aheyd qayb laga jarey Dhamaan Geedihii waaweynaa laakiin looma diyaarin in la waraabiyo, Sababta oo aheyn Beerta oo Tijaabo ay ku socotay.

MASHRUUCA MUURI OO U BAAHAN MAALGALIN.


Mashruuca wuxuu ka mid yahay Hantida Dadweynaha Soomaaliyeed. Mar haddii aaney jirin Dowlad ama Hay'ad kale oo sii wada horumarinta Mashruucan waxaa lagama maarmaan ah in la hello Hantiilayaal Soomaaliyeed oo si ku meel gaar/buuxda ah u maal-galiya Mashruucaan, gaar ahaan Dadka reer Baar-dheere waa inay iska xilsaaraan sidii loo soo nooleyn lahaa Mashruucan qiimaha badan. Waqtigan xaadir ah waa adag tahay in Bariis lagu abuuro sida awal loo rabey, laakiin waxaa lagu sii abuuri karaa dhamaan Dalagyada kale ee hadba loo baahan yahay kuwaas oo ay ka mid yihiin Galeyda, Sisinta, Digirta iwm. waxaa hubaal ah haddii la maal-galiyo Mashruucan Muuri inuu nolosha Dadka Baar-dheere wax ka bedeli lahaa.

No comments: