Wednesday, November 4, 2009

WABIGA JUBBA IYO DAAWO: meelaha ku dhow waxaad beertaada ku waraabin kartaa gacantaada iyo Sakeel !

Marwalba, waxaad maqashaa Dalka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Gedo waxaa ka jira dhibaatooyin la xiriira cunno iyo biyo la'aan, taasoo sababta in qaylo dhaan loo diro Hay'adaha shisheeye ee deeqda bixiya. Hay'adahan waxay sannad walba cunno iyo gargaar kale ka bixiyaan dhamaan Gobolada Dalka. Maxaa kalifay in Gobolada Gedo/Jubooyinka/shabeeloyinka ee ay labada Wabi dhex maraan sannad kasta cunno Gargaar ah loo qaybiyo ?
Waxaa xaqiiq ah. in Dadka Soomaaliyeed badankoodu sabool yahay, oo waliba ay ku yar tahay xirfaddda Beeraha, laakiin taas kaliya cudur daar fiican maaha, gaar ahaan Adigoo uu wabigu kuu jiro Masaafo ka dhow laba ama sadex Kiilomitir. Waxaa xusid mudan in Gobolka Gedo oo kale uu leeyahay laba wabi (Daawo iyo Jubba) waxay labadan wabi gobolka dhex maraan dhul dhan masaafo ka badan ilaa 300x2km (labada dhinac). laakiin nasiib daro dhulkaas Beeraha ku haboon waxaa laga faa'iideystaa in ka yar 5%kiiba halka 95% ay iska dayacan tahay.
* Ma ujeedooyin aan la ogeyn ayey hay'aduhu dadka cunno ugu qaybiyaan ? ma waxay rabaan inay Dadka ka hor istaagaan ama ka niyad jabiyaan inay iskooda wax u rabcadaan ?. * Mise Dadka Soomaaliyeed ayaa ka door biday cunno gargaar ah mid ay iyagu xoogooda kula soo baxaan oo xalaal iyo sharaf leh ?..
HABKA UGU FUDUD/QIIMO JABAN EE BEER KU FILAN REER LOO WARAABIN KARO
GACANTAADA IYO SAKEEL.Waqtigan lagu jiro Dowladihii hore u marey waxay ku wareersan yihiin sidii ay u yareyn lahaayeen isticmaalka Shidaalka iyo Matooradda sababtoo ah shidaalkii ayaa qaali noqdey iyo arimo kale oo hawada oo xumaatey la xiriira. Dadka Soomaaliyeed oo aan haysan waxay cuni lahaayeen maalinka sida cad awood dhaqaale oo ay Matoor ama shidaal ku iibsadaan ma leh, sidaa awadeed haddii aad dooneyso inaad Beer ku filan Qoyskaaga abuurato, aadna degen tahay meel u jirta masaafo 1 ilaa 2km Wabiyadda Jubba iyo Daawo waxaad marka hore diyaarsaneysaa Dhulka/Beerta adigoo la kaashanaya qof xirfad kugu dhaama.
Ka soo qaad, Waxaad rabtaa inaad sannadkaas/Xiligga abuuratid beer DIGIR ah oo ka kooban ilaa 800 oo geed. Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad Sakeel caag ah(20 liitarle) leedahay, kaasoo aad biyaha wabiga kaga soo daldalan karto hadba uu Xoogaagu yahay (Maalinkiiba 15-25 jeer). Maalin kasta waxaad waraabin kartaa ilaa 100 geed, isla maalinkaas waxaad sii abuurtaa 100kii miro ee aad barri waraabin laheyd. ilaa inta aad ka wada waraabiso 800 ee geed. Sadex Ilaa shan jeer haddii aad gacantaada ku waraabiso geed walba ku filan ilaa inta uu ka bislaanayo.
Waxaa hubaal ah inay 800 geed oo Digir ah ku filan tahay hal reer uga yaraan sadex Bilood, haddii laba sanno oo isku xigga uu Reerkaasi sidaa oo kale yeello waxay gaari karaan heer ay soo saartaan cunno ka badan reerkooda ama ku filan, waayo xirfadooda ayaa sii korsheysa. Taasoo Reerka ka badbaadin karta in uu Gargaar waydiisto hay'ad ama cid kale.
DHANKA KALE: Farsamo waxaa jirta Baaskiilka Biyo looga soo saari karo Wabiga, taasoo aad uga rajiisan Matoorka iyo Shidaalka, kaliya waxaad u baahan tahay BAASKIIL iyo BANBO yar. Farsamadaan waxay ku haboon tahay kaliya Wabbiga jiinkiisa haddii ay Beertaadu ku taal. Daawo.

No comments: