Saturday, October 31, 2009

BELED-XAAWO: Horumarinta hanaanka Magaalada.

BELED-XAAWO G/GEDO SOOMAALIYA: Magaalada Beled-Xaawo waxay ku taal Xaduudka Dalka Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida ee Kenya, Waxaa lagu yaqaan inay tahay Magaalo laf-dhabar u ah ganacsiga ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Maalin walba la isku waydaarsado Badeecooyin farabadan oo ka kala yimaada Kenya iyo Soomaaliya, Taasoo ka dhigeysa Magaaladda Goob/meel Ganacsi caalami ah. Sidoo kale Beled-xaawo waa meel aad u ciid wanaagsan oo aan boor iyo dhiiqo midna laheyn, waxayna Magaaladu leedahay Biyo Macaan oo inta badan Gobolka ku yar (Marka laga reebo Biyaha Wabiga) taasoo suuro galinaysa inay toqon karto meel nolosha aad ugu haboon waa haddii ay Dadka ku nool maanta ku baraarugsan yihiin.

BELED-XAAWO halkan riix: Waxaan maalin dhow ka eegay/arkey Aaladda loo yaqaan (Sateliteka/Googlemaps) Runtii aad iyo aad ayaan ula yaabey sida ay Magaaladu isugu dhex yaacsan tahay,Waxaa u egtahay Xero Qaxooti oo kale !. Inkastoon dhowr jeer Anigu tagay laakiin ma ogeyn inay sidaan u kala daadsan tahay!. Waxaa kaloo idana xusid mudan Safarkii Taano iyo Dhagax-tuur ay ku tageen Beled-xaawo oo aad Muqaal ku arkeyso dayaca ka taagan Iskuuladda iyo Dugsiyadda Waxbarashada iyo guud ahaan Magaalada , Xataa waxaan maqley in la dayacay Cisbitaalka Gobolka uga Wayn/wanaagsan ee Magaaladda laga dhisay 1995-1996 oo ka kooban 50 Qol.

SIDEE LOO HAGAAJIN KARAA MAGAALADA IYO HANAANKEEDA GUUD?
KA SOO QAAD. In Dadka ku wada nool GOOB/Magaalo ay badankoodu xilkas/howlkar yihiin. Oo uu Qof walba howl/wax-uun qabto maaliin kasta (halka Jidadka la fadhiyo), Mid Geed abuura, Mid Jidka qashinka ka qaada ama godadka ka duuga, Mid Dadka wanaaga u sheega Iwm. Waxaa hubaal ah in Beel, Tuullo iyo Magaalo kasta oo Dalka ka mid ah ay si dhaqso leh horumar u gaari laheyd, Dadkuna noloshoodu sare u kici laheyd.

Sidaa awadeed marka hore waxaa muhiim ah in Masuuliyiinta iyo Dadweynaha Degmadda Beled-xaawo xilkas noqdaan/yihiin ayna ogsoon yihiin in dhibaato kala-daadsanaan ah ka jirto Magaaladda, loona baahan yahay in wax laga qabto si dhaqso leh waliba, Waayo waxaa jira in aad loo dhisaayey Magaaladda labadii sanno ee u dambeeyey. Siday u badan tahay Qofkastoo meeshuu jecel yahay ayuu dhistaa (nidaam la'aan) taasna Beled-xaawo kaligeen kuma koobna ee waa dhibaato Dalkoo idil ka jirta, Maanta haddii aan laga hortagin wuxuu noqonayaa dhib waligiis jirawaana dhib waligiis jira. Hadaba si loo hagaajiyo/Nidaamiyo bilicda iyo hanaanka Magaaladda waxaa muhiim ah in.

1)- Magaalada loo qabto/kireeyo Injineer ama Tobogaraaf Aqoon u leh nidaaminta Magaalooyinka isla markaana lagu caawiyaa (Maamulka iyo Dadweynahaba) sidii uu Magaalada Hanaankeeda guud u hagaajin lahaa Magaalada, Haddii ay tahay Jidadka, Suuqyada, Goobaha Caafimaadka , Jardiinooyinka, Garoomadda Ciyaaraha, Bulaacadaha iwm.

2)- Maamulka/Masuuliyiinta ay ku amraan Dadka Jidadka iyo Goobaha Dadweynaha degan inay ka guuraan si dhaqso ah, haddii ay ka guuri waayaana qasab looga raro. si loo soo celiyo Adeega Bulshada iyo bilicda Magaalada.

3)- Dadwenaha lagu wacyi galiyo inay ka qayb qaataan soo celinta Hanaanka/bilicda Magaalada, isla markaana la faraa in GURI walba lagu abuuro ugu yaraan 5 Geed (MUHIIM), Si loo yareeyo Dabeylaha iyo Busta Magaalada dhexdeeda.

Haddii ay hirgalaan/suuro-Gasho qodobada kore waxaa hubaal ah in Beled-Xaawo ay noqon doonta meel horumar iyo Wanaag badan gaarta oo waliba ay u soo Guuraan Gurba joogta ka yimid Gobolka Gedo oo sida la ogyahay hamuun badan u qaba inay Dalkooda dib ugu laabtaan. Laakiin waa marka Magaalada la hagaajiyo.

2 comments:

Waceys Abdille said...

Asalama calaykum walaal. Maqaal fiican baad qorte walle. Waan ku raacsanahay aniga siiba meesha aad tidhi in geedo la talaalo. visit my blog if you get a chance. beledxawo.wordpress.com

RUNSHEEG said...

ASC

Walaal Waceys Cabdille waan ku salaamey, Anigoo ku hadlaaya Wargeyska JAMEECO waxaa kaaga mahad celinaya fikirka aad ka dhiibatey halkan.

Midda kale waxaa booqdey Beledxao.blogspot.. RUNTII WAA Bogg fiican laakiin waxaad mood inaan Sannadkan waxba lagu qorin. waxaan kaloo ogaadey inaad Af-Ingiriisga (Injirleyda) si fican wax ugu qori taqaano.

Walaal haddii aad tahay Qof jecel wanaaga iyo wada-noolaanshada guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qaar ahaan Gobola Gedo waxaan kugu marti qaadayaa (invite) inaad wax ku daabici karto Jameeco.blogspot.com ama Boggan.

Igala soo Xariir emailka @jameeco@gmail.com