Friday, October 30, 2009

BURCAD-BADEED MISE WAA LAGU RAYSTEY?: Kaluumeysatada Malindi Kenya oo ka jawaabey!


MALINDI KENYA: Idaacadaha Aduunka oo dhan ayaa halmar isla qayliyay ! Burcad-badda Soomaaliyeed waxay afduubteen shan Markab asbuucaan kaliya. Waxay noqotey Wararka ugu muhiimsan ee Caalamka laga daawado 2006 ilaa 2009ka Sadexdaas sanno waxaa la Afduubtay Maraakiib fara badan oo dhex maraayey Badweynta Hindiya (qaar Xadka Soomaaliya ku jiray iyo qaar ka foqaaba labadaba) laakiin waxaa hubaal ah in Badda Soomaaliya laga cabsoodey/baqey oo ay ka carareen Maraakiib Badda xaalufin jiray xitaa Markii aan Dowladda laheyn.

Madaama Dalka Soomaaliya ay dhibaatooyin ka waaweyn Xaalufinta Baddooda ka jirto lagama dareemin Kaluumeysatada Dalka wax isbedel ah, laakiin waxaa si wayn ugu faa'iideystay Dalalka Soomaaliya dariska la ah sida Kenya iyo Tansaaniya. Warbixintan kore sida ka muuqata Kaluumeysatadu way ku raysteen Burcad-Badeedda Soomaaliyeed falalkii ay sameeyeen kuwo sharci-daro ahba ha ahaadeene.
Waqtigaan xaadirka ah Biyaha Soomaaliyeed waxaa isugu yimid Maraakiib dagaal oo intooda badan laga leeyahay Dalalkii Badda Soomaaliya xadi jiray (Dalalka Japan/S Korea) sidoo kale waxaa soo baxdey in Kenya damaaci badan uu uga jiro sidii ay Badda Soomaaliyeed u duudsin laheyd. waxaana loo saxiixay bilowgii damaacigooda. Abaalmarin mise abaal-dhac !.

No comments: