
Degmadda Baardheere waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 100,000 qof oo ay ku jiraan dadka ku nool Tuulooyinka hoos imaada Magaaladda, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin cuduro, biyo aan nadiif aheyn iwm hadana Magaalada waxaa dhowrkii sanno ee u dambeeyay laga hirgaliyay Mashaariic horumarin oo ay isku xilqaameed Qurba joogta Baar-dheere/Gobolka Gedo. Mashaariicda wax ku oolka ah waxaa ka mid ah JAAMACADA GOBOLKA GEDO, Biyo-galin dhawaan laga hirgaliyay (biyo nadiif ah) iyo waliba Dugsiga Farsamadda Gacanta oo isaguba dhowaan fasaladiisa bilaabey.
Dugsiga farsamada waxaa lagu bartaa xirfadda yar yar oo ay mid yihiin sida guryaha loo dhiso Iwm, Inkastoo uu hadda bilow yahay hadana waa horumar la taaban karo. Haddii aad jieceshahay faaf-faahin dheeraad ah ama aad dooneysid inaad ka qayb-qaadato dhaqaale ahaan ama talloba waxaad booqan kartaa Bogga Mashruucaas Halkan
No comments:
Post a Comment