Tuesday, November 3, 2009

SHACABKA REER GEDO: oo tacabka Beeraha u dareeray.

GEDO SOOMAALIYA: Roobkii dayrta ayaa si wanaagsan u da'ay, wuxuu ahaa Mahiigaan/Karaar ah, hadba sidaad u taqaan. Sidaa daraadeed waxaa dhamaan Gobolka Gedo laga dareemayaa diyaar garoow xoog leh oo ay Dadku ama Beeraley ha ahaado ama yuuna ahaane ay doonayaa inay ka faa'iideystaan Roobka isla markaana ay Dayrtaan Beer Lama arag lama maqal ah abuurtaan.

Gobolka Gedo oo lagu yaqaan Dhaqashada Xoolaha iyo tacabka Beeraha labaduba wuxuu ka soo baxay dhowr sanno oo abaaro ah, Dayrtan ayaa ah tii u horeysay oo barwaaqo ah muddo dhowr sanno hadda laga joogo ! Lama yaqaan inay Abaarihii Gobolka la harey dhowrkii sanno ee u dambeeyay ay soo laaban doonaan iyo inkale, laakiin waxaa la moodaa in Dadka Gobolka Roobka u da'ay aad uga faa'iideysanayaan taasoo ka dhigan inay u diyaar yihiin Abaarta dambe ee soo socota.
Xigasho: Barnaamijka Socdaalka Gedo
Maxamed Gaarane, Beled-Xaawo.
Jameco

No comments: