Thursday, November 5, 2009

BAAR-DHEERE: oo buundo labaad u baahan.doonta.


BAAR-DHEERE SOOMAALIYA: Buundada Baar-dheere waxay isku xirtaa ilaa afar Gobol (Gedo, Baay, J/dhexe iyo Jubbada hoose) Koonfurta Soomaaliya, sidaa awadeed aad ayaa loo isticmaalaa Dad iyo Gaadiidba, arintaas oo dhalisay in buundadu dhowr jeer xirantay oo ay burbureen Looxaantii sakxadda buundada, Waayo wax dayactira ma jiraan iyo niddam ilaaliya toona
Midda kale waxay u egtahay in Baar-dheere maalinba maalinka ka dambeeya ay  tiradda Dadku sii kordheyso, Taas oo ka dhigan in dhaq-dhaqaaqa Dadka iyo badeecooyinkuba sii kordhi doonaan.mustaqbalka. hadaba Buundada Baar-dheere oo awalba tabcaan aheyn ma ku filaan doontaa koboca Dadka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee Degmadda Baardheere ? MAYA. Waa hubaal  in Baar-dheere u baahan tahay Buundo kale oo kaabta midda hadda jirta ama loo baxsado haddii midda hadda jirta ay burburto!.

No comments: