Saturday, November 7, 2009

DAR-XUMO: War-bixin qaxootiga Soomaaliyeed ee yemen!

WAR-BIXINTAN XERYAHA QAXOOTI YEMEN: waxay muujineysaa dhibaatada iyo darxumada ku haysata Dadka Soomaaliyeed ee u tahriibay Dalka Yemen ama guud ahaan Carabta..Inta dhiban ama Dalkii hooyo ha joogaan ama Yemen ha joogaane Illaahey ha u fududeeyo, (Aamiin).
XERYAHA LOO TAHRIIBO:
  • Goobta soo dhaweynta waxaa loogu yeeraa Hoteel Dar-xummo, magaca ka garo waxa kaa horeeyaa haddii aad Dalkaagii ka qaxdo una qaxdo Yemen.
  • Shaqooyinka aad heli karto oo aan lagaa xigina waa inaad TUUGSATO. haa, tuugsiga ayaa ah shaqada ugu fiiican ee aad ka heli karta Dalka Yemen. Waayo yemen iyaguba waa sabool.
Waa dhab in nabadgelyo la'aan ay ka jirto Soomaaliya....Laakiin Dhulkaaga inaad ku dhimato ayaa ka fiican intaad qof/Dad iyaguba sabool ah dhibi laheyd oo indha la'aan ugu qixi laheyd. oo aad ugu sii darto tuugsi iyo jid Is-TAAG.

No comments: