Wednesday, November 4, 2009

WAR-BIXIN KA HADLEYSA: Soomaali degtay Magaalo yar oo ku taal Mareykanka ?



WAR-BIXINTA: oo Cinwaan looga dhigay Soomaali Muslim ah oo bedelay Magaalada Shelbyville ! Dabcan way necbaysteen ama waxay ka wadaan Magaaladaas qof Muslim ah horey looguma arag/aqoonin. Yaa noo keenay Dadkaan Muslimka ah?.
Wareysiyo lala yeeshay Dadka Cadaanka/Mareykanka ah waxay dareenkoodu ku muujinayaan inay wel-wel ka qabaan Muslimiinta/Soomaalida Magaaladooda timid. Waxaa ka mid ah Dadka la wayeystay Nin Ciidanka Nabadgalyada (Police) ka mid, Mid Wariye/Qoraa ah oo Faalooyin  badan ka qorey Soomaalida isla markaana warbixintiisa u dira Hay'adda Isgaarsiinta caalamiga ah ee AP. Ninkaas wuxuu si aan geed loogu gaban u caayey/af-lagaadeynayaa Soomaalida hadaladiisa waxaa ka mid ah.

"Waxaa jira in Dhaqankeenaiyo koodu (muslinka) si wayn isugu dhaceen, Dadka Soomaalidu waa Dad xun-xun, Meel kasta way iska galayaan, waxay ku gorgortamaan waxkasta dukaamadda yaalla markasta !, Waxaa xaqiiq ah inay Dadkani waligood arkin Il-baxnimo meelay taallo, Waligood ma arag Tuubo biyo ka socdaan iyo arimo kale oo sidaas oo kale ah." Ayuu dhahey Ninkaas wariyaha ah. CAJIIB.

No comments: