Sunday, February 28, 2010

HAY'ADDA SADO: oo howl nadaafad ka fulisay Degmadda Baardheere

Baardheere Soomaaliya-Hay'adda Samafalka Wadaniga ah ee SADO ayaa maanta gudaha Xaafadaha Baardheere iyo goobo horay maamulka u buburiyaya waxay ka bilowdey Olole balaaran oo lagu nadiifinayo xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baardheere, si wax loogaga qabto xaaladaha Caafimaad daro ee ka taagan Gudaha iyo Daafaha Magaalada Baardheere.


Dr.Axmed Cabdi Aden oo ah Madaxa Barnaamijyada Caafimaadka ee Hay'adda SADO ayaa waxaa uu sheegay Ololahan nadaafadeed oo ah kii ugu balaarnaa ee Degmada laga fuliyo in uu socon doono mudo Lix bilood ah, iyadoo shaqadaasina ay fulin dad gaaraya ilaa Boqol iyo labaatan oo ah Dumar ah,kuwaasi oo loo dhameys tirey dhamaan waxii Qalab ahaa ee lagu shaqeyn lahaa, islamarkaana Hay'adoodu ay kharash ku bixin doonto howshaasi,waxuuna sheegay in haweenkaasi inta ayan shaqada bilaabin in la siiyey Tababar la xariira dhinaca nadaafada deegaanka.

Dr.Axmed Cabdi ayaa waxa kale oo uu sheegay ujeedada ay ka leeyihiin Howshan balaaran ayuu ku tilmaamay sidii xaaladaha Nadaafo daro ee ka taagan Magaalada Baardheere wax loogaga qaban lahaa, isla markaana loo soo celin lahaa bilicdii magaalada, maadama had iyo jeer cudurada faafa ee ka dilaaca deegaanka inta badan ay ka dhashaan nadaafad darida ka taagan deegaanka.

Dr.Axmed waxaa kale oo uu soo hadal qaadey maadaama lagu jiro bilaha Febraayo iyo Maarso in dadka deegaanku ay cabsi ka qabaan inuu cudurka shubanka (Daacuunka) uu deegaanka ka dilaaco, si arimahaasi looga hor tago wuxuu sheegay in Hay,adda SADO ay diyaarisay Maadada Koloriinta ee biyahaha nadiifisa si loogu isticmaalo meelaha Biyaha laga cabo. Taasoo wax tar u ah xakameynta halista cudurkaas uu ku hayo Bulshada deegaanka.

Waxa uu Dhartarku ugu dambeyn tallo ku siiyay Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baardheere in ay ku dadaalan nadaafada, taasoo uu sheegay inay yareynayso qatarta ka dhalan karta cudurada faafa. Dadweynaha Magaalada Baardheere oo iyagu Asbuucyadii u dambeeyey ka cabanayey dhibaatooyin la xariira caafimaad daro ayaa soo dhaweeyey talaabadan cusub ee wax loogaga qabanayo nadaafada Magaalada Baardheere. Ma ahan markii ugu horeysay oo Hay,adda Samafalka Wadaniga ah ee SADO ay ka fuliso degmada Baardheere Olole nadaafadeed oo noocani oo kale ah.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere,Gedo

No comments: