Saturday, February 13, 2010

MUQDISHO: Saalax Badbaado oo shir jaraa'id ku sheegay inuu isaga tagey Xildibaanimaddii.

“Dawladnimo waan jeclaa, laakiin waxaan nacay markii Ugaandhiis dawlad u noqday, dadkaygana lagu laayey."

Imaatinkayga (in aan ka baxo DFKMG) waxaa dedejiyay: labo ama saddex jeer ayaan waxaan maqlay Khaa’inka been hawaaska ah ee fataalka ah ee dhiigga ummadda Soomaaliyeed qaba ee ummadda Soomaaliyeed laayey ee madaafiicda la dhacay, dhawr jeer ayaan waxaan maqlay isagoo qoslaya oo inta su’aal weriyaashu weydiiyeen.. I DO NOT KNOW… KIX KIX KIX…. oo sidaas u qoslaya, ayaan marar badan maqlay ..
.
Waxyaabaha i dedejiyayna waa tahay, saaxiibkay waxaan u gudbinayaa…. belo ayaa la saaxiibta ee shaydaankaas waxaan u gudbinayaa dhiigayaga qaba oo ummadayada gumaaday waxaan u gudbinayaa maahmaah ayaa tiraahda DAMEERTU GEELA HA IGA DIDISEE QURURUFTEEDA AYAAN NACAY, dhamuukow dadkayaga lay, laakiin qosol xumadaada iyo fool xumadaada aad dadkayaga dhiigiisa ku diganayso meel ayey inoo taal ayaad leedahay” Xildhibaan Saalax Badbaado …

Nin ayaa yiri: caano waan jeclaa, waxaanse nacay markii ay candho dameeraad galeen, marka dawladnimo waan jeclaa, Soomaalino waan jeclaa, xaggaa in aan joogo waa jeclaa waa saaxiibaday, laakiin waxaan nacay markii Ugaandhiis dawlad u noqday, dadkaygana lagu laayey….

Xildhibaan Saalax ismaaciil (Saalax Badbaado ) oo ka mid ahaan jiray Mudanayasha Barlamanka KMG ah ee soomaaliya oo Sabtid (Feb 13, 2010) shir jaraa,id ku qabtay Gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inuu iskaga baxay xildhibaanada dowlada KMG ah .
Mudanahan Baarlamaanka ka tirsanaan jiray ee lagu magacaabo saalax ismaaciil (saalax Badbaado) oo dhowaanahanba laysla dhex marayey inuu ku biiray Xoogaga dowlada Kasoo horjeeda ayaa shirkiisa jaraa,id ku qiray inuu dowlada iskaga baxay islamanrkaana uu ALLE isu dhiibay balse uusan isu dhiibin Alshabaab iyo Xisbul islaam .

Sidoo kale Ex-xildhibaan Saalax Badbaado ayaa dhaleecayn dusha kaga tuuray Af-hayeenka ciidamada AMISOM islamarkaana ku tilmamay dameer dadka soomaliya intuu laayo ku jees jeesaya isagoo carabka ku dhuftay inay ugu weyn tahay arimaha ku qasbay inuu iskaga tago xildhibnaanada dowlada KMG ah .
“Maanta laga bilaabo nimankaasi waan ka baxay maanta ayaana cadeynayaa in aan ka mid ahayn, asbaabaha aan uga imidna waxa waaye waxaa nabad gali waayay intii inaga amni noo soo raadsatay waxeey noqotay in laamiga Km4 oo aan anigu deganaa ciidamada Shisheeye ay ku dhibeeteeyaan gabdhaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Saalax Badbaado.

Dhinaca kale saalax ismaaciil (badbaado) ayaa ciidanka dowlada KMG ah ku tilmaamay kuwo Mooryan ah islamarkaana ka mid ahaan jiray mooryaantii qab qablayaasha iyo weliba kuwo lasoo baray basaanimo “Ciidankaan la leeyahay ciidamadii dowladda oo ah mooryaantii is aruursatay iyo kuwa lagu soo tababaray dalal aanan garaneyn oo dhaqamo baas la soo baray ayaa dadka dhibaataynaya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba ha ahaatee ka bixista baarlamaanka mudanahan lagu magacaabo saalax ismaciil (saalax badbaado ) ayaa dhabar jab weyn ku ah dowlada FKMG ah ee soomaaliya .

Yaasiin Faytin

No comments: