Tuesday, March 30, 2010

JAH WAREER: Amisom Dadka Nool-Nool ayey har iyo habeen xasuuqdaa cid ku banaan baxdana ma jirto, Laakiin Qabuuraha !?

MUQDISHO Caasimadda Soomaaliya. waxaa cajiib ah marka hore in si bareer ah oo aan qarsooneyn boorar magac qabaa'il lagu soo qorto oo haddana Jidadka loola soo baxo ! waxay midani ku tusaysaa sida uu jaah-wareerka ugu dhacey Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed ku dhacey waali iyo walaahoow taasoo ka timid markii ay qabiilka Diin ka dhigteen. Bal fiiri sawirka maxaa kaaga muuqda ? Waxaa idacadaha laga sheegay inay Dadkani isku soo baxeen oo ay ka soo horjeedaan Qabuuro la sheegay inay maalmihii tahay Al-shabaab burburieen ka dib markii ay qabuurahaas ku tilmaameen in dadka qaar ay caabudaan!?. laakiin su'aasha iswydiinta leh waa dhowrkii bilood ee la soo dhaafey Ciidanka AMISOM la baxay waxay Muqdisho ku xasuuqeen Dad boqolaal kor u dhaafay oo si bareer ah ay Ciidanka (calooshoos-u-shaqeysatadda ahi) Madaafiicda goobta ugu hurgufeen xaafaddo ay ku nool yihiin Dad rayid ah.

Dadka Nool-Nool iyo Qabuuraha keebaa qaalisan ? Maxaa looga banaan bixi waayey xasuuqa AMISOM ? Mise Ugaandhiisku wuxuu noqdey TOLKA cusub ?.

ALLOW SAHAL Amuuraha midaana waa noo dambeysay in Boorar Qabiil lagu soo qorto oo Jidadka Caasimadda Dalkeena loola soo baxo !.

No comments: