ISLAMABAD PAKISTAN: Ciidanka Pakistaan ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Saldhig ay ku sheegeen in ay lahaayeen Jabhadda Talibaan oo ay dhowaan la wareegeen Ciidankooda. Sida ka muuqata War bixinta waxaa laga helay Saldhiga qalab Computaro casri ah iyo waliba Baasabooro ay leeyihiin Xubno sida ay sheegayaan ka tirsan Ururka Al-qaacida.