Tuesday, January 19, 2010

CIIDANKA AMISOM: ama ilaalada Shariifka oo Madaafiic aan arxan laheyn wali ku wada Waqooyiga Muqdisho

MUQDISHU SOOMAALIYA: Caasimadda Dalkeena muddo sadex sanno ah waxaa joogga Ciidamo shisheeye, inkastoo Ciidankii xabashida ee markii hore yimid ay ka baxeen laakiin waxay booskii uga tageen ciidan loogu yeeray AMISOM oo u badan kuwa Ugaandha iyo Burundi ka yimid.

Ciidanka AMISOM waxay u shaqeeyaan UNta ama Mareykanka, waxaa sida dhabta ah Dalka loo keenay la dagaalanka argagixisadda oo ay Dowladaha gumeystuhu u haystaan in Soomaalidu argagixiso tahay sidaa awadeed lala dagaalo oo Dhulkooda loogu tago.

Muddo hal sanno iyo bar ah Ciidanka AMISOM oo bedelay kii Xabashidu waxay Madaafiic aan kala sooc laheyn ku garaacayeen Xaafadaha shacabka iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaado sida Suuqyadda gaar ahaan Suuqa Bakaaro oo sid la ogyahay ah goob ay Mareykanka iyo Xabashidu tuhunsan yihiin inay ku dhuuntaan waxay ugu yeeraan argagixiso. Dhowr maalin ka hor Ciidanka AMISOM waxay maatidii ka qixiyeen waqooyiga Muqdisho kadib markii ay madaafiic si arxan daro leh ugu garaaceen xaafaddo shacabku degenaa, waxaa intaa ka sii daran Ummadda Soomaaliyeed maba dareensana waxyeeladan iyo dhiigooda ay Ciidankan Amisom baneysteen.

ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU DILAA !

Ciidanka AMISOM (calooshood-u-shaqeystayaasha ah) waxay shacabka Soomaaliyeed u baabi'iyeen waa laba arimood:-

1)- Inay Ummadda Soomaaliyeed sandulle uga dhigaan Madaxweyne ama Dowlad aaney iyagu soo dooran. Dowladaas oo inta badani ay xubno muhiim ah ka yihiin Dambiilayaasha dagaalkii sokeeye oo ummadda Soomaaliyeed kala dilay iskuna diray. Waxaa ka mid ah dhamaan Qab-qablayaashii dagaalka, dhagar-qabeyaal qabyaaladdu ku gaamustay iyo qaar kale oo inta badan ka dheer danta iyo midnimadda Soomaaliyeed.

2)- Inay lacag kaga helaan Dowladaha reer Galbeedka ee dagaalka kula jira Muslimiinta laakiin ugu yeera argagixisadda caalamiga , halka ay iyaguna isugu yeeraan bulshadda Caalamka!.

No comments: