Wednesday, January 20, 2010

MAALINTII SADEXAAD: waxaa wali socda qafaalka iyo afduubka Soomaalida qaxootiga ee Kenya ku sugan.

"HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO"

Niarobi Keenya: waxaa maalintii sadexaad ka socda Magaaladda Nayroobi qafaalkii iyo afduubkii lagu hayey Dadka Soomaaliyeed ee ku soo qaxey Kenya. qafaalashadan ayaa u eg sidii madaxfurasho iska bixi oo kale, Ciidanka amaanka Kenya ayaa ku qabanaayo ka dibna waxay ku waydiisanayaan inaad lacag siiso, lacagta oo u dhaxeysa 5,000 ilaa 20,000 oo shilinka Kenya ah ama hadba Askariga aad u gacan gasho wuxuu kaa dalbado.

Qafaalkan wuxuu bilowday ka dib markii Dad muslimiin ah oo u badan Soomaali ay banaan bax ka dhigeen bartamaha Magaala madaxda Kenya ee Nayroobi kuwaas oo dalbanaayey in la sii daayo Wadaad u dhashey Dalka Jameyka kaasoo ay xulufadda mareykanka ay ku eedeeyaan inuu faafiyo fikraddo xagjir ah.

Banaan baxaasi waxaa si qasab ah u kala cayriyay ciidanka amaanka Kenya, waxaan halkaas ku geeriyooday 3 ka mid ah dadkii banaan baxa ka qayb galaayey, Isla maalinkii ku xigay waxaa howgal baaxad leh oo dadka Soomaalida lagu qabqabanaayo lagu qaadey xaafadaha ay Soomaalidu ka degan tahay Magaalada Nayroobi sid Islii iyo South C kaasoo maalintii sadexaad wali socda.

QAFAALKA MAANTA WAA IN LAGU CIBRO QAATO:
Dadka Kenya way soo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed, inta badan Dadka Soomaaliyeed ee horaantii 90yadii soo qaxay abaal badan ayey uga hayaan soo dhaweyntaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali badan oo dagaalada dalka ka socda iyaguna dhowaan ka soo qaxey. Laakiin ma ogtahay in ay Soomaalidu noqotey sidii martii waqtigeedii dhaaftey oo ismoodey inay Kenya leeyihiin.

Waxaa lagu qiyaasaa in Soomaalida qaxootiga Kenya ku sugan ay ka badan yihiin 1,000,000 oo qof, Dadkaas intooda badan waxay kaalmo dhaqaale ka helaan eheladooda dibadaha ku nool waxayna dalka Kenya soo galiyaan lacagta adag (Dollarka) oo aad iyo aad u fara badan, waxaa kaloo jira in Soomaalidu ganacsi badan ka abuureen kaas oo anfacey dadka Kenya.

Maanta Soomaalidu waxay ku tartameysaa sidii Guryo iyo boosas looga gadan lahaa Nayroobi Kenya, Waxay ku bixiyaan lacag aad u badan taasoo Dadkii Dalka lahaa aynan awoodi karin arintaas oo keentay in naceyb loo qaado Soomaalida. Dadka Kenyaatiga ah waxay aad u dhibsadeen sicir bararka Guryaha iyo Dhulka waxay u maleynayaan in Soomaalidu ay ka dambeeyaan.

Mudaharaadka maxaa xigay?. qafaal iyo in Mas'uuliyiinta Kenya ay yiraahdaan Soomaaliyeey ordoo Dhulkiina dhista oo rabshadda naga daaya (Waa run)., Qofkastoo Soomaali ah markii aad waydiiso war dhulkaaga maad dhisatid wuxuu markiiba la soo boodayaa "Dhulkee ma meesha la isku dilaayo, nabadba ma ahee maxaan dhistaa" Waa su'aale haddii aanu isagu ka shaqeyn nabadeynta dhulkiisa ma Kenya iyo Xabashidaa u nabadeynaysa ? Waa Maya Soomaalida waxaa la gudboon intay goori goor tahay inay Dhulkoodii hooyo dhistaan nabadna ka dhigtaan.

No comments: