Sunday, January 24, 2010

CADOWGA SOOMAALIYEED: oo wada Qorshe loogu sameynayo Soomaaliya Dagaal-Oogayaal dhalinyaro ah!.

MUQDISHO SOOMAALIYA: Xarunta villa Soomaaliya ee lagu ilaaliya Kooxda Dowlad-ku-sheegga waxaa bilihii u dambeeyay ka socday qorshayaal ay wadaan dowlado shisheeye (Reer Galbeedka/Gaallo) iyo xulufadooda oo lagu yaqaan inay cadow ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed, Dowladahaan cadowga oo inta badan ku qaraabta magaca hay'adaha samafalka iyo kan Qaramadda Midoobey ayaa hadda qaybihii hore ee qorshahan bilaabey.   .

Qoshahan lagu sameyn rabo Dagaal-Oogayaasha dhalinyarada ah waxaa lagu hoos qarinayaa Qorshe la magac baxay (Building Blocks BB) ama dhismo Dowlad Goboleedyo, Tijaabooyinka ugu horeeya waxaa ka mid ah Cali Cabdulaahi Cadow {Cali Jowhar} Sawirka midigta oo lagu wado inuu noqdo Dagaal-Ooge G/Shabelaha Dhexe oo maalin dhow lagu caleemo saarey ex-Villa Soomaaliya, Isla markiiba waajibka loo xilsaarey codkiisa ku soo bandhigay.

"Waxaan dhowaan gaari doonaa Gobolka Sh/dhexe, waana ka sifeyn doonaa dadka aan Gobolka u dhalan ee hadda Maamula" Ayuu dhahey Cali Jowhar
Maamul Goboleedyadda cusub (building Blocks) waxaa ku dayasho u ah Labadda Gobol ee Puntland iyo Soomaaliland labaxay ee ay Xabashidu ka taliso. Laakiin Mashruucan BB (Building Blocks) ee laga wado Koonfurta Soomaaliya waa mid ay si qaas ah u wadaan dhamaan Cadowga Dalkeena iyagoo qorshadoodu yahay inay sii wadaan/huriyaan Dagaalka sokeeye.

Waxaa xusid mudan in Mashruucan loo diyaariyay dhaqaale badan, kaas la doonayo in Dalka Soomaaliya looga abuuro Dhalinyaro lagu bedelo Dagaal-Oogayaashii hore ee hadda intooda badan howlgabka ama Faashilka  noqdey, kadib dagaalkii iyaga iyo Midowga Maxaakiimta dhex marey 2006dii kaasoo lagu jabiyay Dagaal-Oogayaashii hore, dhalinyarta loo wado inay noqdaan Dagaal-Oogayaasha waxaa lagu howlgalin doonaa dhawr Ujeedo oo kala gadisan.. Qaar Qabiil ayaa lagu howl-galinayaa (Sida Cali Jowhar) , Qaar Wadaadnimo (Shariifka) iyo Qaar Wadaniyad been-been ah lagu akhriyo.

No comments: