Sunday, February 7, 2010

DOOD FURAN: Dhalinyarada reer Gedo xagey/maxay uga cararayaan Gobolkooda ?

Waxaan marka hore halkan salaan uga gudbinayaa dhammaan akhristayaasha shabakadan, marka xigta waxaan rabaa inaan maanta halkan ku soo bandhigo dood ciwaankeedu yahay ( Dhalinyarada reer Gedo xaggee bay uga cararayaan gobolkooda ?).

Sida ayanu lawada socono dal marka la qiimaynayo mustaqbalkiisa waxa laga eegaa fikirka iyo hamiga dhalinyarta u soo koraysa dalkaa, hadii fikirkoodu yahay hormarka dalka iyo sidii loogu dadaali lahaa wanaajintiisa mustaqbalka waxaa layidhaa dalkaa mustaqbalkiisu waa guul iyo horu mar hadii taa la waayo dalkaasi waa dal dib u socod ah oon mustaqbal fiican lahayn.

Mid ka mida abwaanada Soomaliyeed ayaa laga hayaa:
Reerka odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu.
Ubadkooda hadha baa tabcoo ayatiin hela e.
Umaddaan shabaabkeedu hanan waw ayaan xumo.
Hadabad gobalkeena hadaad u fiirsato waxaad ogaanaysaain in dhalin yaradii rag iyo dumarba siiba ragu ay u qaybsameen laba qaybood :Qolo ka fakaraysa mijin qaada sidii ay u helilahaayeen markay helaana ka raadinay meel ay la fadhiistaan oo fikir aduunyo iyo mid aakhiroba iska ilaaway, iyo qolo kale oo ka fakaraysa sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Waxa la yaable in arintaa ay ku fakarayaan dhamaan aqoonyahankii dhalinyaradu ha noqoto mid dugsi dhexe am sare ama jaamacada ku jira ee habeen iyo maalin waxay ku fakarayaan sidii dibad loogu dhoofi lahaa, waxkast ninkii soo maraa laga wareystaaye dhibta qurbuhu leeyahy waa mid had iyo jeer ay ka waramaan dadka soo laabtay.

Shaqo kasta oo aad hayso iyo lacag kasta oo aad qaadato qof ajinabi ah oo mar walba iyo meel walba muwaadinka laga hormarinayo ayaad tahay.

Ragga qaar ayaa ku dooda in gobolku yahay mid aan hormar laheyn aan ku su'alee hadad wax barato oo dadkii aad wax u baratay aad ka tagto dadkaas yaa hormar gaarsinayo?, gobolka wuxuu leeyahay qeyraad badan sida xoolaha iyo beeraha oo aysan jirin cid intaas isku heysato hadaan ka soo qaadno Somaliland iyo Punland ma waxay hestaan webi?, jawaabtu waa Maya balse waa dad Alle ku maneystay caqli iyo hormar waxaana gaarsiiyay hormarkaas dhalin anagoo kala ah.

Hadaba akhriste isweydii su'aalahan ?
Sidee ayaa dhalinyarada gobolka Gedo looga dhaadhicin karaa inay u fekaraan hormarka gobolka iyo dadkooda?
Yaa ka mas'uula ah boqolaal rag iyo dumarba leh oo ku bayhoofsan daafaha dunida?,
Yaa u cida ah boqolaalka ka fekaraya sidii ay naftooda ugu biimeyn lahaayeen badaha iyo saxaraha?.


By:Mahad Maxamed Sheekh
qawaaf2005@hotmail.com

No comments: