Showing posts with label Gobolka Gedo.. Show all posts
Showing posts with label Gobolka Gedo.. Show all posts

Sunday, February 7, 2010

DOOD FURAN: Dhalinyarada reer Gedo xagey/maxay uga cararayaan Gobolkooda ?

Waxaan marka hore halkan salaan uga gudbinayaa dhammaan akhristayaasha shabakadan, marka xigta waxaan rabaa inaan maanta halkan ku soo bandhigo dood ciwaankeedu yahay ( Dhalinyarada reer Gedo xaggee bay uga cararayaan gobolkooda ?).

Sida ayanu lawada socono dal marka la qiimaynayo mustaqbalkiisa waxa laga eegaa fikirka iyo hamiga dhalinyarta u soo koraysa dalkaa, hadii fikirkoodu yahay hormarka dalka iyo sidii loogu dadaali lahaa wanaajintiisa mustaqbalka waxaa layidhaa dalkaa mustaqbalkiisu waa guul iyo horu mar hadii taa la waayo dalkaasi waa dal dib u socod ah oon mustaqbal fiican lahayn.

Wednesday, January 20, 2010

GOBOLKA GEDO: soo celinta bilicda iyo hantida Ummadda ee dhowaan la bilaabey waa tilaabo horusocod ah.

BELED-XAAWO Gobolka Gedo Soomaaliya: burburkii Dowlada ka dib, sida Dalkoo dhan ka dhacdey waxaa guryo iyo ganacsiba laga dhisay Jidadka ama Wadooyinka Magaalooyinka G/Gedo, waxaa kaloo jira dad iyagu degay lagana saari waayey Goobihii adeegga bulshada sida Iskuuladda iyo Goobo kale oo muhiim ah.

Hadaba, maalmahii tagey guud ahaan Gobolka Gedo waxaa ka socday howlo lagu nadiifinayo hareeraha wadooyinka sida sharciga darada ah looga dhistay Sandaqadaha/ganacsiga iyo guryo kaleba. hawshan ayaa sidii loogu tal lo galey ilaa hadda ku socota.