Monday, February 1, 2010

QAAR KA MID AH SHABAKADAHA: Afka Soomaaliga wax ku qora oo si qaldan u fasiray Qudbadii Sh Umal ee Jimcahii tagey.

NIAROBI KENYA: Qaar ka mid ah bogaga internet ka ee Soomaalida ayaa si khaldan u tarjumay khudbad uu Sheikh Maxamed Cabdi Umal jimcihii ka jeediyey Masaajidka abuu Bakar Sidiiq ee loo yaqaano 6 street ee xaafada Islii magaalada Nairobi.

Halkan ka dhageyso qudbadda Sh Umal

Dhowr web site oo ka mid ah kuwa Soomaalida ee daabaca wararka ayaa si aan sax ahayn u tarjumay khudbad uu Sheikh Maxamed Cabdi Umal maalintii Jimcaha ahayd ka jeediyey Masaajidka uu imaamka ka yahay ee abuu Bakar Sidiiq ee xaafada Islii magaalada Nairobi.

Web site-yadaas oo u muuqda kuwa aan ilaalineynin habka gudbinta wararka ee Diinta Islaamka ay qabto iyo anshaxa saxaafada ayaa waxa khudbada Sheikha u fasireen si uusan Sheikhu u sheegin, waxayna cinwaano ka dhigteen in Sheikh Umal uu Khawaarij ku sifiiyey xarakada Al-Shabaab. Khudbada Sheikh Umal ayaa waxa ay daba socotay khudbado horey u soo socday oo uu Sheikhu uga waramayey khatarta ay leedahay daadinta Dhiiga Muslimiinta, waxayna khudbadan sida khaldan looga tarjumay Sheikhu ahayd tii 4-aad ee uu mowduucaas ka jeediyo.

Sheikh Umal ayaa Khudbadiisa ku sheegay in si naba aan loo fududeyn karin daadinta dhiiga Muslimka, wuxuuna tusaalooyin badan ka soo qaatay Axaadiithta Nabigeena (SCW) isagoo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dhaqan geliyo sidii Nabi MAXAMED uga digay daadinta Dhiiga Muslimiinta ee xaq darro lagu daadiyo.

Sheikh Umal ayaa daliishaday sida Nabi Maxamed (SCW) uu uga dhiidhiyey markii qaar ka mid ah saxaabadiisa ay si ismood siis ah ku dileen dad ku dhawaaqay kalimada Towxiidka ee ka tarjunta Muslinnimada qofka, wuxuuna Sheikhu sheegay in raga Saxaabada Nabiga ahaa ay ahaayen dad aqoon badan u leh diinta Islaamka, isla markaasna haystay malo xoog badan oo ay wax ku dili kareen, balse iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Nabigeena si adag uga horyimid arinkaas, ugana digay in qof ku dhawaaqaya kalmada Towxiidka lagu dilo is moodsiis.

Ka dib Sheikh Umal ayaa sheegay in dadka aan cilmiga lahayn ee ismood siiska ku daadiya dhiiga Mulsimiinta ay tusaale u yihiin khawaarijta, wuxuuna sheegay in kooxdaas ay ku sifeysnaayeen kuwa aan tixgelinin muuqaalka qofka Muslimka ah iyo kalimada towxiidka, balse kaliya waxa ay dadka ku leyn jireen ay ahayd shaki iyo wax la mid ah, wuxuuna sheikhu carrabka ku adkeeyey in kooxdaas ayan la 'ahayn inay wax kharibayaan, balse fahanka diinta oo khaldamay uu halkaas la maray.

Habeenkii ay soo galeysay axada ayaa mar kale Sheikh Umal waxa uu ka istaagay Masaajdika abuu Bakar, isagoo daba socda tarjumaad laga bixiyey khudbadiisii Jimcaha, wuxuuna sheikhu sheegay in cidna uusan magac dhabin, balse uu khubadiisa diirada ku saarayey khatarta ay leedahay daadinta dhiiga Muslimiinta, wuxuuna Sheikhu sheegay in dadku ay kala fahan duwan yihiin, isla markaasna uusan isagu xukumi karin sida ay dadku wax u fahmayaan, wuxuuse ka digay in wax uusan afkiisa ka sheegin aan laga sheegin Sheikha. Sheikh Umal ayaa sheegay in dadku ay wax kasta oo la sheego ay doonayaan inay dhinac ku fasiraan, wuxuuna dhinaca kale sheegay in qaar ka mid ah dadka ay wacdi kasta oo culimadu soo jeediso ay u fahmaan in iyaga lagu maagayo, wuxuuna Sheikhu sheegay in aayadaha iyo axaadiithta ay Culimadi akhrinayaan loogu tala galay inay daaweeyaan cudurada dadka ku jira, isla markaasna cidii ka damqata in iyaga wax laga sheegayp ay tahay cid bugta oo loo baahan yahay inay is daba qabato.

Ugu danbeytii Sheikh Umal ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah looga baahan yahay inay ku dhaqmaan wacdiga ay culimadu ku daaweynayaan cudurada bulshada haysta, wuxuuna intaas ku daray inuu Muxaaradaad ku saabsan Khawaarijta iyo Murji'ada oo ka soo horjeeda uu qaban doono, wuxuuna Sheikhu arintaas ku macneeyey in dhawaanahan ay soo bateen adeegsiga magaca Khawaarijta, isla markaasna loo baahan yahay in bulshada loo iftiimiyo macnaha iyo tilmaamaha ay koodaasi leedahay, iyo cida lagu tilmaami karo. Ugu danbeytii waxaa waayahan soo batay in si aan sax aheyn loo weeciyo hadalada ay Culimadu sheegaan, waxaana arimahaas u sabab ah alle ka cabsi la'aan iyo dadka qaar oo doonaya in wacdiyada culimada ay madaxa uga garaacaan kooxo ay is hayaan, waxaana taas ka dhalata ku xadgudub lagu sameeyo culimada oo ah dadkii dhaxlay Nabi Maxamed (SCW).

Ugu danbeytii waxaa waayahan soo batay in si aan sax aheyn loo weeciyo hadalada ay Culimadu sheegaan, waxaana arimahaas u sabab ah alle ka cabsi la'aan iyo dadka qaar oo doonaya in wacdiyada culimada ay madaxa uga garaacaan kooxo ay is hayaan, waxaana taas ka dhalata ku xadgudub lagu sameeyo culimada oo ah dadkii dhaxlay Nabi Maxamed (SCW).

Somalireal-Nairobi

No comments: