Saturday, April 17, 2010

WARBIXIN WAX-QABADKA: Hay'adda Samofalka Wadaniga ah ee SADO.

Gudoomiyaha Ururka Smafalka Wadaniga ah ee SADO oo ka war-bixiyey howlo isugu jira dhinacyada Waxbarashada iyo adeegyo kala gedisan ee Bulshada oo ay ka wadaan Gobolada Gedo, Galgaduud, Bay iyo J/dhexe.

Gudoomiyaha Ururka Samafalka Wadaniga ah ee SADO Aden Xasan Bare (Aden cade) ayaa markii ugu horeysay mudo dhowr sanno ka dib waxaa uu ka warbixiyey howlo samafal-ah oo uu Ururkoodu ka wado qaar ka mid ah Goboladda Koonfureed ee Dalka gaar ahaan Goboladda Gedo, Galgaduud, Bay iyo J/dhexe. Wuxuu doomiyuhu sheegay in goboladaasi qaar ka mid ah degmooyinkooda ay ka wadaan howlo Samafal oo loogu adeeegayo bulshada ku dhaqan deegaanadaasi, taasoo bulshada ay kaga heleen kalsooni wada shaqeyn dhab ah.

Aden Cade ayaa waxaa uu tilmaamay deegaanada ay howlaha ka wadaan in ay ka mid yihiin magaalooyinka Baardheere, Qansax dheere, Diinsoor, Saakow iyo Balambale, Isagoo intaa ku darey in degmooyinkaasi ay ka wadaan barnaamijyo isugu jira dhinaca Waxbarashada, horumarinta Biyaha, sare u qaadista nadaafada Degaanka, Kobcinta wax-soosaarka Beeraha iyo taakuleynta dadka dan yarta ah, gaar ahaan Haweenka, barnaamijyadaasi ayuu sheegay dhamaacin in ay yihiin kuwa bulshada wax loogu tarayo.

Mar uu ka hadlaayey dhinaca waxbarashada ayaa Gudoomiyaha SADO waxaa uu sheegay in Ururkoodu uu taageero Dugsiyo waxbarasho oo ku kala yaala magaaloouinka Baardheere iyo Balambale, sida Dugsiga Markabley iyo Midka Balambale oo uu sheegay inay dugsiyadaasi ka taageeraan dhinaca mushaarka Macalamiinta, waxayna  bil weliba siiyaan lacago lagu socodsiiyo howlaha waxbarashada ee deegaanadaasi.isagooo sheegayna in aaney si buuxda u dabooli karin baahida waxbarasho ee ka taagan deegaanadaasi.

Maadama mudo labo sano ah aanu taageeraynay waxbarashada Balambale, taasina ay sabab u ahayd Codsiga nooga yimid Maamulka degmada iyo Odoyaasha deegaanka waxaanu diyaar u nahay ayuu yiri inaan sii wadno taageeradaasi aan u fidino Iskuulka, bulshada deegaankana waxaa ka doonaynaa ayuu yiri in ay na garab istaagaan si qaybta aanu ka qaadano taageerada waxbarashada ay u sii socoto.

Haddii ay jiraan Ururo Samafal ah oo ku filan in ay daboolaan Baahida Waxbarashada Balambale ,sida IQRA iyo ururo kaleba waxaan diyaar u nahay ayuu yiri Aden Cade inaan u baneyno kaalinta hadda aanu kaga jirno dhinaca Waxbarashada,isagoo sheegayna in Hay,adoodu dhowaan Balambale ay ka bilaabi doonto howlo la xariira dhinaca biyaha.

Waxuuna ugu dambeyntii uu ugu baaqey cid kasta oo daneyneysa in ay taageerto howlaha waxbarashada dugsiyadaasi sida jaaliyada dibada ee ka soo jeeda deegaanka iyo Ururo kalena in ay si weyn u soo dhaweynayaan,diyaarna ay u yihiin in ay iskaashi wadajir ah ay sameeyaan .


Axmed Cumar Saalixi
Baladxaawo. Gedo

No comments: