Tuesday, March 30, 2010

JAH WAREER: Amisom Dadka Nool-Nool ayey har iyo habeen xasuuqdaa cid ku banaan baxdana ma jirto, Laakiin Qabuuraha !?

MUQDISHO Caasimadda Soomaaliya. waxaa cajiib ah marka hore in si bareer ah oo aan qarsooneyn boorar magac qabaa'il lagu soo qorto oo haddana Jidadka loola soo baxo ! waxay midani ku tusaysaa sida uu jaah-wareerka ugu dhacey Ummadda Soomaaliyeed.

Wednesday, March 24, 2010

BOOWE WFP/GARGAARKII LAGA RAYSEY! Goboladda Koonfurta Soomaaliya oo cunno ku filan soo saartey

BAKOOL SOOMAALIYA: Waxaa muddo laga joogo lix bilood ama ka yar laga eryay Koonfurta Soomaaliya hay'adda WFP. Inkastoo markii hore dad badani u arkeen arin aan suuro gal aheyn hadana waxaa cadaatey in Ummadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dhulka Beerista ku haboon ee koonfurta Soomaaliya ay ka raysteen oo ay maanta gacantooda kula soo baxeen cunno xalaal ah oo waliba cossob ah  yacni aan buunsho aheyn..

{Maasha Allaah Boowe PP iyo WFP buunshahoodii laga raysey !!oo SISIN iyo Masaggo cossob ah aan beeraney}

Sunday, February 28, 2010

HAY'ADDA SADO: oo howl nadaafad ka fulisay Degmadda Baardheere

Baardheere Soomaaliya-Hay'adda Samafalka Wadaniga ah ee SADO ayaa maanta gudaha Xaafadaha Baardheere iyo goobo horay maamulka u buburiyaya waxay ka bilowdey Olole balaaran oo lagu nadiifinayo xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baardheere, si wax loogaga qabto xaaladaha Caafimaad daro ee ka taagan Gudaha iyo Daafaha Magaalada Baardheere.