Monday, November 2, 2009

QARAX AY KU DHINTEEN: Saraakiil ka mid ah Dowlad Goboleedka Waqooyi-Galbeed Soomaaliiya.

LAAS-CAANOOD SOOL SOOMAALIYA: Waxaa Magaalada Laas-Caanood ka dhacey qarax aad u xoog badan, sida la sheegay waxaa qaraxan lala beegsadey Sarkaal ka mid ah Ciidanka Dowlad Goboleedka Waqooyiga Soomaaliya. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Nuur oo ahaa Taliyaha Qaybta 12aad DGWG ayaa la sheegay inuu ku geeriyoodey qaraxa, Lama yaqaan cidda ka dambeysa qaraxaan laakiin waxay u egtahay in ugaarsigii iyo dilkii qorsheysnaa ee Koonfurta Soomaaliya ka socday Waqooyi la keenay.
Dhanka kale Magaalada Buuhoodle isla Gobolka Sool ayaa la sheegay in Mudaharaad xoog badan uu ka dhacey kaas oo lagu diidan yahay Maamulka Dowlad Goboleedka Waqooyiga (Soomaali-Diidka), Banaan-baxa ayaa yimid ka dib markii uu Nin Idaacad ka sheegtay inuu isagu ka masuul ahaa Qaraxii Laas-Caanood, taasoo dhalisay in Ciidan u jooga Dowlad Goboleedka Waqooyiga Buuhoodle isku dayaan inay soo qabtaan ninkaas, laakiin waxay Ciidanku kala kulmeen iska caabin wayna ku guul dareysteen inay soo qabtaan ninkaas, Markii danbena sheegay inay baadi goob ugu jiraan.

No comments: