Friday, January 29, 2010

SHACABKII OO LA XASUUQAYO: iyo Kooxda Shariifka oo sanad-guuro u dabaal dagey!.

MUQDISHO SOOMAALIYA: Xaley saqdii dhexe waxaa dagaal u dhexeeya Ciidanka calooshood u shaqeysatadda AMISOM iyo Guutooyin ka mid ah Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam oo is-garabsanaaya uu ka qarxey Xaafado ay ku dhuuntaan Ciidanka shisheeye ee Amisom magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa bilowday qiyaastii 2:00 am waaga intii uuna baryin wuxuuna socday ilaa waaberigii, dagaalka markii uu joogsadey Ciidanka  shisheeye ee Ilaaladda u ah Sharifka iyokoodisa waxay
 bilaabeen inay duqeeyaan Hodan, Wardhiigley iyo Waaberi gaar ahaan meelaha ay shacabku wali degan yihiin, qasaaraha shacabka soo gaarey waxaa la sheegaya 12 dhimasho ah 34 dhawaac ah.

Waxaa la yaab leh iyadoo shacabkii sidaa loo xasuuqay in Kooxda shariifku Xaflad qabsadeen isla goobta Ciidanka AMISOM ay degan yihiin ee Villa Soomaaliya, Xaflad lagu sheegay Sannad guuradii Madaxweynaha la iga dhigay, Marti sharafka ka soo qayb galashay waxay u badan yihiin gacan ku -dhiglayaasha AMISOM, Qab-qablayaasha dagaalka IWM.

No comments: